Heemaal News Network

Wasiirka Maaliyadda Djabouti Oo ku Hawlan Dhismaha Jidka isku Xidha Borama iyo Djabouti.

Wasiirka Maaliyada Jamhuuriyada Djibouti Mudane Ilyaas Muuse Daawale ayaa qaabilay Xildhibaan Maxamed Abiib waxaanu xildhibaanka oo ka hadlay kulanka Wasiirka Maaliyada Jabuuti uu la qaatay uu yidhi,

“Waxan si gaara ugu mahad naqayaa Wasiirka Maaliyada Djibouti Mudane Ilyas M Dawaleh.

Mudane Wasiir waxan kaaga mahadnaqaya Soo dhawayntii iyo ixtiraamkii aad ii muujiyey labadii jeer aan iimid jabuuti abaal raagana waan kaaga hayaa ee Noolow walaal.

Sidoo kale waa qof ku hawlan wax wada qabsiga geeska afrika dhab ahaana wuxuu kaalin wayn ku lahaa jidka isku xidhi doona Jamhuriyada Somaliland J.Jabuuti iyo Dalka Itoobiya.

Waxa kale oo aan Wasirka kawada hadalnay halka ay marayso Hawsha jid iska xidhi doona Somaliland iyo Djibouti. Imikana wuxu iisheegay

Inuu ku hawlan yahay dardargalinta bilawga jidka labada dal isku xidhi doona.

Sidoo kale wuxuu balan qaaday in isaga iyo Jamhuuriyada Jabuuti iyagoo isku dhan ay qayb ka noqon doonaan sidii mashruuca loogu heli lahaa fankii dhamaystiri laha.

Waxanan u sheegay in Wasiirka maaliyada Somaliland uu isna dhamaystiray wixii ku xidhnaa xagiisa dhawaan.
Guud ahaan waxan u mahadnaqayaa Shacabka shacabka iyo Madaxdii kale ee reer jabuuti oo iyagna si maamuusleh isoo dhaweeyay.

Waxan leeyahay ilaahay nabada iyo Dawladnimda ha idiinsii adkeeyo.”