Heemaal News Network

Iran Oo si Adag Uga Hadashay Xasuuqa Lagu Hayo Falastiiniyiinta.

Sii-hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Iran, Ali Bagheri ayaa sheegay in xasuuqa ay ciidamada Israa’iil ka wadaan marinka Qasa uusan dabooli doonin guuldarada Israa’iil ka soo gaartay iska caabinta Falastiiniyiinta.

Wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa ciidanka Israa’iil ee gumaadka ku haya shacabka reer Falastiin, isagoo yiri “Guushu ma foga, dhawaanna waxaan ku tukan doonaa Qudus”.