Heemaal News Network

Abiy Axmed iyo Madaxweynaha K/Koonfureed Oo Maanta kala Saxiixday Heshiis ku kacaya 1 Bilyan

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku kacaya 1 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

Heshiiska qaab dhismeedka maalgelinta ayaa bartilmaameedsanaya mashaariicda la fulin doono afarta sano ee soo socota, sida uu sheegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Itoobiya iyo Kuuriyada Koonfureed iyo wafdigooda ayaa sidoo kale yeeshay wadahadalo laba geesood ah, waxayna kala saxiixdeen heshiis is afgarad ah oo u dhexeeya guddiga anshaxa federaalka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee Itoobiya iyo guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa iyo xuquuqda madaniga ah ee Jamhuuriyadda Kuuriya.