Labada dhinac ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta taageerada QM ee Hay’adaha amniga dalka iyo bixitaanka Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS oo la qorshaynayo dhammaadka sanadkaan.
Wasiirka iyo Wakiilka, ayaa si gaar ah kulankooda diirrada ugu saaray muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado taageerada Qaramada Midoobay ee ku aaddan dhinacyada amniga Muqdisho, Barnaamijka Booliiska Wadajirka ah (JPP) iyo guud ahaan amniga Soomaaliya..