Afhayeenka Qasaam, Cubayda ayaa xaqiijiyay maxaabiista ay soo furteen ciidanka Israa’iil, balse wuxuu sheegay weerarka ciidanka Israa’iil ee ka dhacay bartamaha Qasa inuu ahaa dambi dagaal, isagoo markaa tilmaamay cidda u horreysa ee waxyeello ay ka soo gaarayso inay tahay maxaabiista Israa’iil,isaga oo tixraacaya ku dhawaad 120 maxaabiis ah oo weli lagu hayo marinka Qasa.
Wuxuu intaa ku daray; “ Cadawgu waxa u suurto gashay in ay xasuuq ba’an gaysteen si ay u soo furtaan qaar ka mid ah maxaabiista, balse isla wakhtigaas waxa ay dileen qaar ka mid ah intii uu hawlgalka socday….Hawlgalku wuxuu khatar weyn ku noqon doonaa maxaabiista cadowga ah, wuxuuna saamayn xun ku yeelan doonaa xaaladooda iyo noloshooda.”