Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken ayaa maanta gaaray dalka Qadar; “Xamaas looma oggolaan doono inay go’aan ka gaadho aayaha iyo mustaqbalka Gasa iyo gobolkan… ”
Toddobaadyada soo socda, waxaan soo bandhigi doonaa fikradaha sida loo maamulayo Qasa kaddib dhamaadka dagaalka.. Waxaan sii wadi doonnaa inaan ku riixno saaxiibbadayada Qatar iyo Masar si aan heshiis xabbad-joojin ah uga gaarno Qasa.”
Sidoo kale Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in haddii qorshaha ugu dambeeyay ee nabadeed ee Gaza uu fashilmo ay hoos u dhigi doonto hogaamiyaha Xamaas ee Gaza.
Antony Blinken, oo booqasho ku jooga Bariga Dhexe, ayaa sheegay in caqabada keliya ee hortaagan hindisaha ay tahay “hal nin oo ku qarinaya dhulka hoostiisa toban dabaq ” –hadalkaas oo uu ula jeeday Yahya Sinwar.
Ma jirto jawaab rasmi ah oo ka soo baxday Xamaas. Balse waxa ay soo dhaweysay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Isniintii ku taageeray qorshaha xabbad-joojinta ee Mareykanka, waxaana sarkaal ka tirsan kooxda uu sheegay in ay diyaar u yihiin wada-xaajood.
Mr Blinken ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu dib u xaqiijiyay in uu aqbalay qorshahaas intii lagu jiray kulan ay la yeesheen.