Heemaal News Network

Maxay Maraakiibta Dagaalka Ruushka ka Dooneen Cuba?

Afar maraakiibta dagaalka Ruusha oo uu ku jiro mid xambaarsan hubka nukliyeerka oo ah kuwa quusa ah ayaa iyadoo ay taagan tahay xiisadda Ruushka iyo reer galbeedka ku soo xirtay Cuba.

Maraakiibta oo loo arkay in ay Cuba u yimaadaan ismuujin ayaa ku xirtay gacanka Havana kaas oo u jira 145 km gobolka Florida ee Mareykanka.

Wasiirka difaaca Ruushka, Admiral Gorshkov, ayaa sheegay in hub casri ah ay ku xiran yihiin maraakiinta. Hubka waxaa ka mid ah gantaalada guuxooda ka dheereeya ee Zircon. Dhoolatus ayey hore uga soo sameeyaan Atlantic.

Wasaaradda arrimaha dibadda Cuba ayaa sheegtay in maraakiibta aysan ku xirneyn hubka nukliyeerka, booqashadooda shanta maalmoodna khatar kuma ahan gobolka.

Mareykanka waxay sheegeen in ay si dhow ula socdaan booqashada maraakiibtaas.