Heemaal News Network

Taliyaha Ciidamada Israa’iil Oo dalka Bahrain kula Kulamay Saraakiishada Ciidamada Jamacada Carabta.

Warbaahinta Israa’iil ayaa soo bandhigay kulan uu magaalada Manama ee dalka Bahrain kula yeeshay taliyaha guud ee ciidanka Israa’iil, Herzi Halevi saraakiil ciidan oo ka kala socda dhawr waddan oo Carbeed; kuwaas oo ay ku jireen masuuliyiin ka kala socday Bahrain, Masar, Jordan, Sacuudiga, iyo Imaaraadka Carabta.

Kulanka wuxuu ku qabsoomay magaca taliska dhexe ee Mareykanka(CENTCOM), iyadoo aan la caddeyn ajandaha kulan iyo waxa laga yiri xaaladda Qasa, xilli Israa’iil iyo Mareykanka ay dadaal ku bixinayaan soo bandhigista qorshaha dagaalka kaddib ee Qasa, halkaa oo ay doobidayaan in la geeyo ciidan nabad ilaalin oo ay ku jiraan dalalka Carabta.