Heemaal News Network

Haweeneydii ugu Da’da weyneyd Oo Sannadkan Xajineysa iyo Sacuudiga Oo soo Ddhaweeyay

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu soo dhaweeyay qofkii ugu da’da weynaa ee sannadkan 2024 gudanaya waajibaadka Xajka, waxaana warbaahinta iyo baraha bulshada qabsatay sheekada haweeneydan da’da ah ee xajineysa.

Sarahouda Stiti oo 130-sanno jir da’deeda lagu sheegay una dhalatay dalka Aljeria, ayaa sannadkan nasiib u yeelatay in ay kamid noqoto muslimiinta badan ee waajibaadka xajka gudaha.

Shirkadda Saudi Airlines ayaa soo dhaweysay haweeneydan oo Boqortooyada Sacuudiga u timid inay gudato waajibaadka xajka, waxaana haweeneydan xajineysa soo dhaweeyay masuuliyiin iyo dad kale oo caan ah oo u dhashay Sacuudiga.

Muuqaal shirkadda Saudi Airlines baahisay ayaa lagu arkayaa haweeneydan da’da ah oo soo dhoweyn diirran ka heleysa saraakiisha Sacuudiga, markii ay kasoo degatay Garoonka Caalamiga ah ee King Abdulaziz ee Jeddah.

Haweeneydan iyo dad kale oo da’ ah ayaa sannadkan kamid ah dad ka badan 1.5 milyan oo Xujey ah oo Sacuudiga u tagay in ay soo xajiyaan, waxaana jira dad kale oo iyana sheekooyin cajiib ah wata oo xajka jooga.