Heemaal News Network

Askar Israa’iil ah Oo Lagu Dilay Rafah kadib Markii la Qarxiyay Gaarigoodii

Sideed askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay qarax ka dhacay koonfurta Qaza Sabtidii, sida ay sheegeen millatariga Israa’iil, shilkii ugu dhimashada badnaa ee ciidanka ISarel ku dhaca dagaalka tan iyo bishii Janaayo.

Askarta ayaa saarnaa gaari gaashaaman oo uu haleelay qarax weyn, kaasoo sida lagu sheegay baaritaan horudhac ah lagu qarxiyay “waxyaabaha qarxa oo farsameeyay “.

Dhacdadan ayaa dhacday intii lagu guda jiray hawlgal ka dhacay xaafadda Tal al-Sultan ee Rafah, oo toddobaadyadii la soo dhaafay bartilmaameed u ahayd ciidammada Israa’iil.

Goor sii horeysay, garabka hubeysan ee Xamaas ayaa sheegay inay gantaal ku rideen gaari gaashaaman kadib markii ay weerar gaadmo ah ku sameeyeen.

Askartan ayaa ka soo laabtay howlgal habeen hore ka dhacay xaafadda Tal al-Sultan ee magaalada Rafah, abaare 05:15 xilliga maxalliga ah (03:15 BST) markii gaarigooda gaashaaman uu qarxay.