Heemaal News Network

Mooshin ka Dhan ah Ra’isul Wasaare Xamse Oo la Diyaariyay Bacdal Ciid.

Qaar kamid ah Xildhibanada DFS oo kulamo gaar-gaar ah todobaadkaan waday ayaa la sheegayaa iney qorshaynayaan bilaabista Mooshin kadhan ah Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Bare. Mooshinkaan Waxaa hor boodayay Kooxo Xildhibaano ah kuwaas oo Muddo dheer sugayay balanqaadyo Wasiiro, Wasiir Dowlayaal iyo Wasiir Ku xigeeno balse lagu booday.

Sida Xogta Dunida Online Ku heshay 20-kii Xildhibaan oo ugu horeeyay ayaa Mooshinkaas Saxiixay balse waxaa la sheegay in Xildhibanadu is balansadeen bacdal Ciid kuwaas oo doonaya iney Mooshinkaan keenaan furitaanka Kalfadhiga Barlamaanka.

Sidhab ah looma garanayo in Xildhibanada horboodaya Mooshinkaan ku socda Jooga hoose ay dhab katahay ridista Wasiirka 1-aad ee Dalka iyo iney Wax ku ruxruxanayaan.