Heemaal News Network

Hadaad Ku Nooshahay Waqooyi Aduunka Xiliga Jiilaalka Cun Cuntooyinkan.

Dad badan ayaa xilliga jiilaalka ka cabanaya lafo xanuun, waxaana laga yaabaa inay ka dhalatay Vitamin D-ga oo ku yaraada jirka, kaasoo kaalin muhiim ah ka qaata caafimaadka lafaha, jirka wuxuu ka helaa fitamiin D-ga iftiinka qoraxda, laakiin jiilaalka Qorraxdu way yaraataa wakhtiga la heelaa waana daciif tamarteedu. Taas oo keenta in heerka fitamiinka dhiigga ku jira uu yaraado.

Si looga gudbo dhibaatadan, Shots Health waxay ku talinaysaa in la cuno midhaha qalalan ee hodanka ku ah fitamiin D, kaas oo gacan ka geysta kor u qaadista caafimaadka lafaha iyo ka hortagga xanuunka. Midhaha qalalan ee ay ku jiraan fitamiin D-ga, waxaan ku xusnaa:

Berdaha la qalajiyey: Waxay ka kooban yihiin boqolkiiba sare oo fitamiin D ah, waxaana loo cuni karaa cunto fudud ama lagu daro saladh iyo badarka.

Timirta: Waxa ay jidhka siiyaan tamar iyo sonkor dabiici ah, waxa kale oo ku jira xaddi fiican oo Vitamin D ah, waxa la cuni karaa keligood ama macmacaan iyo casiir ayaa laga dhigi karaa.

Sabiib: Waxa lagu tiriyaa mid ka mid ah khudaarta caanka ah ee qalalan, waxa ku jira xaddi habboon oo fitamiin D ah, waxaana lagu qasi karaa caano fadhi, boorash.

Khudaar qallalan: Waxay ka kooban yihiin nafaqooyin lagama maarmaan ah, waxaana ku jira fitamiin D. Waxa la cuni karaa keligood ama suxuun kala duwan.

Prunes: Waxay ka kooban tahay fitamiin D iyo macdano kale oo caawiya dheefshiidka, waxaana loo arkaa cunto fudud oo nafaqo leh oo lagu qanco.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Cuntooyinka Cudurro Halis Ah Looga Badbaado Ee Aan Inta Badan La cunin.

Heemaal

Maxaad Ka Taqaanaa Xanuunka Macaanka?

Heemaal

Caafimaad Darrada Ku Gadaaman Caadada Oo Joogsata Xili Hore

Heemaal