Heemaal News Network

Labo Xildhibaan Oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya Oo Laga Afduubtay Magaalada Nairobi Ee Kenya.

Labo Xildhibaan Oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya Oo Laga Afduubtay Magaalada Nairobi Ee Kenya.

Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur iyo Xildhibaan Kooshin oo ka tirsan baarlamaanka soomaaliya ayaa goor dhaw la sheegay in laga afduubtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Ciidamo sheegtay inay yihiin nabad sugidda dalka Kenya ayaana labada xildhibaan ugeystay afduubka sida uu SMS TV usheegay mid ka mida xildhibaanada golaha shacabka oo sheegay inuu arkayay inkastoo aan la ogeyn meesha ay la’aadeen.

Labadan xildhibaan ayaa ka mida ah mucaaradka dowladda madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana xildhibaan Xasan Cabdi Nuur oo laga soo doortay KGS usoo tartamay guddoomiyaha golaha shacabka inkastoo uu kaga guuleystay gudoomiye Aadan Madoobe.