Heemaal News Network

Afgembigii ka Socday Bolivia Oo Fashilmay & Jen. Juan José Oo lasoo Xiray (Sawirro)

Afgambigii la isku dayey ee ka socday Bolivia ayaa la soo afjaray, waxaana laga saaray xarunta madaxtooyadda iyo goobihii ay joogeen ciidankii uu hoggaaminayay Jeneraalkii afgambiga isku dayay ee Juan José Zúñiga, iyadoo Muuqaal la baahiyay laga arkay isagoo sii galaya gaari gaashaaman si deg deg ahna uga baxaya aagga uu degan yahay madaxweynaha ee bartamaha caasimadda La Paz.

Arrintan ayaa muujinaysa inuusan jirin wax qorshe ah oo Jeneraalkan uga diyaarsanaa afgambiga uu isku dayay.

Boolis iyo dibadbaxayaasha afgambiga ka soo horjeeda ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta madaxtooyadda

Madaxweynaha dalka Bolivia, Luis Arce ayaa magacaabay taliyaha cusub ee militariga Bolivia, kaasoo ku sugan meel 100 mitir u jirta halka ay ku taallo madaxtooyadda oo uu ku sugan yahay jenaraalka afgambiga sameeyay.

Taliyaha cusub, General José Wilson Sánchez ayaa markii horay laga dhaariyay wuxuu amar ku bixiyay in dhammaan cutubyada militariga ee hadda ku sugan caasimadda La Paz ay ku soo laabtaan saldhigyadooda, kuwaasoo ay ku jiraan askarta la socota Jeneraalka afgambiyay ku kacay ee Juan José Zúñiga.

Wasiirka arrimaha gudaha Bolivia, Eduardo del Castillo ayaa warbaahinta u soo bandhigay Jen. Juan José Zuñiga oo hoggaaminayay iskudaygii afgambiga oo katiinad looga xiray gacmaha, isagoo gashan jaakadda aan xabbadu karin oo ay ku qoran tahay “waa la xiray”.

Sarkaalkan wuxuu wajahaya inuu halis galiyay nolashada Madaxweynaha iyo nidaamka Bolivia, iyadoo sidoo kale lagu soo oogi karo mas’uuliyada illaa sagaal qof oo ku dhaawacmay rasaas la riday inta uu afgambiga socday, kaasoo ay si adag uga hortageen shacabka Bolivia.

Bolivia, waa waddan aan bad lahayn oo ku yaal galbeedka-dhexe ee Koonfurta Ameerika. Waa dal xadduud la leh Brazil, Chile, Argentina, Paraguay iyo Peru. Dawladda waxay ku shaqeysa caasimadda maamulka ee La Paz. Waa ay adagtahay inad ku aragto qof Islaam ah, dadka ugu badan waxay haystaan kaatoolig iyo kiristaan, waxay leeyihiin tiro badan oo aan diin haysan, bulshada ku nool waa ku dhowaad 13 milyan tirakoobkii u dambeeyay ee 2023.

Dalka, waxaa hadda hoggaamiya Luis Arce, oo ka tirsan xisbiga hantiwadaaga, muddo dheer oo uu ahaa dhaqaaleyahan madax ka ah bankiga dhexe, wuxuu noqday wasiirkii maaliyadda ee ugu waqtiga dheera, xilligaasoo lagu ammaanay siyaasadiisa Maaliyadda ee wax ka beddeshay dhaqaalaha Bolivia, wuxuu noqday qof taageerro badan ku dhex leh bulshada, taasoo ku dhalisay inuu isku soo sharraxo xilka Madaxweynaha oo loo doortay 2020, kaddib markii uu helay cododka doorashadii la dhiibtay wax ka badan 55%, xalay mar kale dadweynaha ayaa ka hortagay iskuday uu doonayay Jeneraal uu shaqada ka saaray inuu ku afgambiyo, iyadoo dadweyne badan ay isugu soo baxeen xarunta madaxtooyadda iyo goobaha kale ee ay joogeen askartii la socotay Jeneraalkii isku dayay afgambiga oo ugu dambeyntii ay dadweynaha ku qasbeen inuu is dhiibo, kaasoo markii dambe dadweynaha iyo saxaafadda loo soo bandhigay isagoo xiran.