Heemaal News Network

Somaliland Oo Gacanta kusoo Dhigtay Wiil Gaadhi Booyad ah Lugaha ku Waday

Ciidanka Nabadgelyo Waddooyinka Somaliland ayaa qoraal ay caawa soo saareen ku sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Eedaysane Mahad Xariir Daahir oo baraha bulshada lagu faafiyay isagoo gaadhi Booyada u wada si ka baxsan anshaxa gaadiidka iyo masuuliyada wadaasha baabuurta , waxaanu ku waday isteerinka cagaha.

Eedaysanaha ayaa ku gafay xeerka nabadgalyada Waddooyinka qodobadiisa kala ah 57 , 75 , 79 iyo 74 , waxaanu sidoo kale ku gafay xeerka ciqaabta guud qodobkiisa 167. Eedaysanayaha waxa degdeg loo horgayn doonaa Hay’addaha garsoorka JSL.

Taliska Ciidanka Booliska JSL , waxa uu digniin u dirayaa darawallada ku shaqaysta booyadaha iyo guud ahaan wadayaasha baabuurta inay ka waantoobaan arrimaha noocan oo kale ah , haddii ay joojin wayaan waxa laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Booliska Somaliland.