Heemaal News Network

Jen. Al-Burhan Oo ku Dhawaaqay inuu Magacaabayo R/wasaare soo Dhisa Xukuumad

Taliyaha ciidanka Suudaan, Jen. Abdel Fattah Al-Burhan oo sidoo kale ah madaxa golaha qaranimada Suudaan, ayaa ku dhawaaqay inuu magacaabayo Ra’iisul wasaare soo dhisa Xukuumad ka howlgasha magaalada Port Sudan, oo ah caasimadda ku meel gaarka ah, isagoo wada-hadallo dabayaaqadii toddobaadkii hore kula yeeshay Port Sudan hoggaamiyayaal siyaasadeed oo ka yimid gudaha iyo dibadda Suudaan.

Ra’iisul wasaaraha la magacaabayo ayaa sidoo kale shaqadiisa noqonaysa inuu maamullo arrimaha siyaasadda iyo qoysheynta inta laga gaarayo wada-hadallo lagu soo afjaro colaadda. Waxaa la hadal hayaa lix musharax oo uu ku jiro wasiirka maaliyadda Gebreil Ibrahim, in loo magacaabo jagada Ra’iisul wasaaraha.