Heemaal News Network

Taliban-ka Xukuma Afghanistan Oo Diiday in Lagala Hadlo Arrimaha Haweenka

Afhayeen u hadlay Talibanka Afgaanistaan ​​ayaa sheegay in aysan dalalka kale kala hadli doonin xuquuqda haweenka oo ay u qaadan doonaan arrin gudaha ah.

Zabihullah Mujahid ayaa ka hadlayay gabagabada wadahadalka caalamiga ah ee Doxa ee looga hadlayay mustaqbalka Afgaanistaan ​, oo dhacaya markii ugu horeeyay tan iyo markii Taliban ay la wareegeen dalka sanadkii 2021-ka.Iyadoo taasi ay jirto ayaa labada dhinac waxay ku tilmaameen geeddi-socodka wadahadallada tallaabo dhiirri-gelin leh.

Qaramada Midoobay ayaa ogolaatay in laga saaro haween ergo ah wafdiga iyadoo shuruud looga dhigayo in wadahadaladu ay socdaan, taasoo horseedday dhaleeceyn ka timid kooxaha xuquuqda iyo dhaqdhaqaaqayaasha bulshada rayidka ah gudaha iyo dibadda Afgaanistaan.