Taliyaha ciidanka Suudaan, Abdel Fattah Al-Burhaan ayaa ku eedeyay kooxda RSF ee uu hoggaamiyo , Maxamed Xamdaan Dagalo inay dagaalka u adeegsanayaan dagaalyahanno ka tirsan kooxd Daacish.
Taliyaha waxa kale oo uu sheegay inay RSF weerartay goobaha lagu hayo dadka ku eedeysan inay ka tirsan yihiin kooxdan si ay u xorreeyaan safkoodkana uga dagaallamaan. Wuxuu intaa ku daray inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Daacish ee gudaha Suudaan oo ku sameysanaya unugyo , iyagoo dagaalyahanno ka keensanaya dibadda.