Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay kalfadhigga 5-aad ee xildhibaannada labada Aqal, waxaana munaasabadda furitaanka laga dheehanayay in xildhibaannada labada Aqal aysan ku faraxsaneyn siyaasadda iyo habdhaqanka Madaxtooyada.
Xildhibaanno kalfadhigga markii la furay kaddib warbaahinta bannaanka xarunta KMG ee golaha Shacabka kula hadlay ayaa si weyn uga soo horjeestay sida xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre xilligan u shaqeeeyso.
Qaar kamid ah xildhibaannada warbaahinta la hadlay ayaa muujiyay sida ay uga carreysan yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xukuumadda Xamse Barre, waxa ayna xildhibaannada si adag u sheegeen in ay la xisaabtamayaan xukuumadda fadhiidka ay ku tilmaameen.
Xildhibaannada ayaana sheegay in xukuumadda ku fashilantay ballanqaadyo dhowr ah ay horey u sameesay, waxa ayna ku eedeeyeen in dagaalkii Al Shabaab lagula jiray uu istaagay ayna Al Shabaab dib u qabsadeen goobo horey looga saaray.
Waxa ay sheegeen xildhibaannada in markan usoo jeesanayaan la xisaabtanka Xukuumadda Xamse Barre, si loo saxo khaladaadka ay ku jiraan , waxa ayna ku eedeeyeen Xukuumadda in ay noqotay mid haba yaraatee wax muuqda aan qaban.
Xildhibaannada mucaardaka ah ayaa u muuqda kuwa ballamo horey Madaxweynaha uga qaaday looga baxay, waxa ayna markan caradooda kala duldhacayana Xukuumadad Xamse Barre oo ay ka diyaarinayaan mooshin , sidoo kale ku furayaan buuq siyaasadeed.