Heemaal News Network

R/wasaraha cusub Ee Britain Oo Laalay Qorshaha Dadka loo Masaafuriyo Rwanda.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Britain, Keir Starmer ayaa ku dhawaaqay inuu meesha ka saarayo qorshaha dawladda hore ee Conservative-ka ee ahaa in dadka magangalyo doonka ah loo masaafuriyo Rwanda. “Qorshaha Rwanda wuu dhintay,” maalintii ugu horreysay ee uu xafiiskiisa fariistay.

Hoggaamiyaha xisbiga Shaqaalaha waxa uu sheegay in uu dhammaaday waqtigii dadka muhaajiriinta ah sida sharci darada ah loogu geyn jiray dalka Rwanda, kaas oo ay hirgaliyeen dawladdii hore ee xisbiga konsarfatifka.

Xisbiga shaqaalaha ayaa ku ol’oleeyay doorashada in uu baabi’in doono qorshahan oo ku kacay illaa hadda 310 milyan oo gini, wuxuna balan qaaday in uu la iman doono hannaan waxtar leh oo lagu dhimayo muhaajiriinta sida sharci darada ah ku soo gala UK.

Shirkiisii jaraa’id ee ugu horeeyay markii uu galay xafiiska number 10, Sir Keir waxa uu weriyayaasha u sheegay: ‘’Qorshihii Rwanda wuu dhintay, waana la xabaalay kahor inta aanu bilaaban.’’

Waxa uu ku dooday in qorshahan ‘’aanu lahayn wax faa’iido ah’’ kaliya waxa uu musaafurinnayay ‘’waxa ka yar 1%’’ dadka doomaha ku yimaada.

Culeysyada dhaqaale ee lagu burinayo qorshahan iyo guud ahaan miisaaniyadda canshuur bixiyayaasha, wali lama garanayo.

Soo gabagabeynta qorshahan ayaa ka tagaya su’aal calaamadaynaysa waxa laga yeelayo 52,000 oo muhaajiriin ah oo la doonayay in la musaafuriyo.