Qayb ka mid ah gantaalada ayaa ku dhacay iskuul ay wax ku bartaan carruurta.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskiy ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay soo rideen in ka badan 40 gantaal oo lala beegsaday magaalooyin kala duwan.
waxaa uu sheegay duqeyntaas ay waxyeelo u geysatay kaabayaashii dhaqaalaha, ganacsi iyo Dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla magaalooyinka kala duwan ee Ukraine.
Weerarkan ayaa loo qaatay inuu jawaab u ahaa gantaalada Mareykanka iyo NATO ee dhowaan ay Ukraine ku weerartay xeebta Crimea.