Ciidanka militariga Hindiya ayaa ku tiirsan wax ka badan kala bar awoodooda wax-soosaarka militari ee Ruushka , iyadoo taangiyada, gantaalada illaa warshadaha nukliyeerka ee Hindiya ay yihiin kuwo ka yimid Ruushka , balse tobankii sanno ee u dambeysay Hindiya ayaa xoojisay wax soo saarkeeda hubka si ay u gaarto isku filnaasho dhinaca warshadaha militariga.
Sida ku cad warbixin ay soo bandhigtay Al-Jazeera; Moscow waxay aad ugu baahan tahay inay buuxiso baahida joogtada ah ee ciidamadeeda qalabka sida ee madaafiicda iyo rasaasta taangiyada nooc kasta ah ee dagaalka ay ka wado Ukraine.
Ciidamada Ruushka ayaa si joogto ah u ridaya 8,000 oo rasaas ah maalintii. Celcelis ahaan kharash dhan $4,000 midkiiba, Ruushku waxa uu ku bixinayaa 32 milyan oo doolar maalin kasta dadaalkiisa uu ku jebinayo ismari waaga ka taagan goobaha dagaalka ee Ukraine.