Howlgalkaan ayaa sidoo kale waxaa looga soo furtay Al shabaab hub iyo saanad ciidan, iyadoo lagu burburiyey goobihii ay ku sugnaayeen, saraakiisha ayaa soo bandhigay sawirrada meydadka xubnihii lagu dilay weerarka.
Howlgalka oo ahaa mid culus ayaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland waxay dhowr jiho ka weerareen deegaanka Kaamjaroon oo dhinaca koonfur galbeed ka xiga magaalada Kismaayo.
Saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay nolosha ku qabteen xubno kale oo ka tirsan kooxda Al-shabaab
“Jab xooggan ayaa gaaray maleeshiyaadka Argagixisada waxaana kooxda la khaarijiyay ku jira horjoogayaal sar sare iyadoo dhinaca kalana ay jireen duqeymo xooggan oo sababay in khasaarahooda uu sii bato” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha horkacayey howlgalka.