Heemaal News Network

Madaxwaynaha Kenya Oo kala Diray Golihii Wasiirada iyo Xeer Ilaaliyaha Guud.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa shaqada ka ceyriyay dhammaan Xoghayeyaashii Golaha Wasiirrada iyo Xeer Ilaaliyaha Guud.

“Markii aan dib u milicsaday oo aan si qoto dheer u dhegaystay hadalka shacabka Kenya, qiimayn buuxdana ku sameeyay wax-qabadkii golahayga wasiirrada iyo waxyaabihii u qabsoomay iyo caqabadaha horyaalla, ayaan maanta aniga oo ka duulaya awoodaha la ii dhiibay go’aansaday in aan si degdeg ah xilka uga qaado dhammaan Xoghayeyaashii Golaha Wasiirada iyo Xeer Ilaaliyaha Guud.” ayuu yiri hadal socda oo uu ka jeediyay xarunta madaxtooyadda Kenya.