Heemaal News Network

Wasiirka Arrimaha dibeda Masar oo ku soo wajahan Muqdisho

Diyaarada Egypt Air ayaan maanta bilaabaysa duulimaadkeedii ugu horeeyey ee Soomaaliya. Garoonka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho ayay saacadaha soo socda ka degi doontaa.

Wasiirka arrimaha dibada Masar Sameh Shoukry oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiiradda ee dalkiisa ayaa safarka duulimaadka diyaaradeed lagu daahfurayo ku tagaya Jabuuti & Muqdisho.

Waxay kulamo la yeelan doonaa dhigiisa labadda dal, sida ay sheegtay wasaaradda Arrimaha dibada ee Masar.

Labo munaasabadood oo lagu qabanayo garoomadaha diyaaradaha ee Jabuuti & Muqdisho ayuu ka qeybgali doonaa, iyadoo ay shirkada diyaaradaha ee Masar ay bilaabayso duulimaadkeeda isku xiraya Qaahira, Jabuuti & Muqdisho.