Heemaal News Network

Itoobiya Oo Shaacisay In Talaabo la Qaadi-doono Maalinta la Saxiixo Heshiiska MOUga.

Dawlada itoobiya ayaa shegtay in xuduudaha wadamada la dariska ah la xidhi-doono maalinta sida rasmiga loo sexeexaayo heshiiskii taariikhiga ah ee MOUga.

Afhayeenka Dawlada Itoobiya ayaa sheegay in dhawaan shaacin doonaan wakhtiga la dhamaystirayo heshiiska Is-Afgarad ee MOUga ay wada galeen dawladaha Somaliland iyo Itoobiya

Sarkaalkan oo afhayeen u ah Dawlada Itoobiya ayaa sheegay in ay dhawaan shaacin doonaan wakhtiga la dhamaystirayo heshiiska Is-Afgarad ( MOU) ee ay wada sexeexdeen dalalka Itoobiya iyo Somaliland

Sarkaalkan oo sidoo kale ah Afhayeenka Itoobiya ayaa u sheegay Arab World Press in Itoobiya ay soo xidhi doonto xuduudka wadamada ay wadaagaan ka hor dhamaystirka MoUga Itoobiya ay la saxiixatay Jamhuuriyada Somaliland