Heemaal News Network

Shan nin oo lagu dhax dilay Xabsiga Dhaxe iyo Howlgalkii oo…

Ciidanka asluubta Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada kale ee ammaanka ayaa soo gabagabeeyay howlgal ka dhan ahaa koox katirsanaa Al Shabaab oo xabsiga weerar ka dhax fuliyay.

Rag katirsanaa maxaabiis Al Shabaab ah oo xabsiga ku xirnaa ayaa gudaha xabsiga ka bilaabay rasaas iyo qaraxyo, waxa ayna kooxdan dileen askar katirsaneed ciidanka ilaalada xabsiga.

Taliska ciidanka asluubta Soomaaliya oo goordhaw war soo saaray ayey ku sheegeen in lasoo afjaray howlgalkii xabsiga lana dilay raggii weerarka soo qaaday.

Ciidamada asluubta ayaana soo bandhigay meydadka shan nin oo la sheegay in ay kamid ahaayeen kooxdii weerarka geesatay, waxaa sidoo kale jira kuwa la qabtay iyo kuwa la dhaawacay.

Gudaha xabsiga dhaxe ee Xamar waxaa hadda ka socda baaritaanno ay wadaan ciidamada miino baarista iyo kuwa kale ee ammaanka, kuwaa oo xabsiga ka dhax raadinaya qaraxyo iyo hub.