Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada amniga, howlgalada kasocda deegaanada Jubaland ee lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab iyo qorshaha bixitaanka Ciidamada ATMIS.
Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Luuq, kaa oo dhaliyay khasaarooyin badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Madaxda ka socota maamulka Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS , ayaa Luuq u tagay sidii loo xallin lahaa dagaal dhiig badan ku daatay oo ka dhacay degmada Luuq.