Heemaal News Network

Puntland Oo joojisey Shaqooyinkii Diiwaangelinta Hey’adaha Caalamiga ah.

Puntland ayaa joojisey shaqooyinkii diiwaangelinta Hey’adaha caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah ee ka shaqeeya Gargaarka & Horumarinta (NGOs-ka), arinkan ayaa caqabad weyn ku noqotey mashaariicda cusub iyo hay’adaha cusub ee ka howl-geli lahaa deegaanka oo in badan ku tiirsan fursadaha shaqo ee mashaariicda horumarineed.

Amarka joojinta diwaangelinta hey’adaha ayaa loo aanaynayaa loolan ka dhex jira Wasaaradaha Qorsheynta iyo Maaliyadda oo mid kasta dooneyso in ay iyadu diwaangeliso.

Tani waxa imanaysaa xilli ay soo baxayso in uu hoos u dhac ku yimi tiradda hay’adaha ka howl-gala goboladda Puntland iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqyada mashaariicda, tan iyo intii uu jirey khilaafka Garoowe iyo Muqdisho.