Heemaal News Network

Poland Oo Ansixisey in la Laayo Tahriibayaasha Xadkeeda Galaya Markii laga Dilay Askari.

Baarlamaanka Poland ayaa lagu warramaya inay u codeeyeen sharci cusub oo u oggalaanaya askarta ku sugan xadka Belarus iyo xadduudaha inay rasaas nool nool u adeegsan karaan si ay u joojiyaan soogalootiga ka soo gudbaya xadka.

Tallaabadan ayaa hay’adaha xuquuqul insaanka oo ay ku jirto Amnesty International ay ku sheegeen go’aan u dhigma inay Poland xukun dil ah ku ridday dhammaan soo galootiga iskudayaya inay soo galaan Yurub, iyagoo ka soo gudbaya Belarus iyo xadduudaha kale.

Go’aankan oo ku soo aaday xilli maalin ka hor ay Poland ka codsatay waddamada Yurub in la qaado tallaabo deg deg ah si ay gacan uga siiyaan joojinta muhaajiriinta.

Arrimahan, waxay tilmaan ka bixinayaan halista ku geedaaman iskuday kasta oo ay ku doonayaan dadka magangalyo doonka ah inay ku galaan Yurub, iyadoo muddooyinkii dambe ay korortay tirada Dhallinyarada Soomaaliyeed ee doonaya inay ka gudbaan Poland, hadda iskudayga waa dhimasho iyo halis aan laga baxsan karin, mana jirto fursad, taasoo ka dhigan inaysan furnayn waxaan ahayn inad joojiso iskudaygaaga khasabka ah ee aad ku galayso Yurub adigoo adeegsanaya waddooyin ay ka mid tahay inaad xadka Poland ka gudubtid.