Heemaal News Network

Xamaas Oo si Adag u Beenisay War ka soo Baxay Israel

Xamaas, ayaa war saxaafadeed rasmi ah ku beenisay duulaanka Israa’iil ee koonfurta Qasa in lagu beegsaday hoggaamiyayaal sare oo ka tirsan Xamaas oo uu ka mid yahay Maxamed Deyf iyo taliyaha guutada Khan Yonis.

Khaliil Haya, ku-xigeenka guddoomiyaha Qasa ee dhaqdhaqaaqa Xamaas, ayaa waraysi uu siiyay telefishinka Al-jazeera, uga hadlay hadalka ay baahisay warbaahinta Israa’iil ee Netanyahu ku sheegtay in la dilay hoggaamiyaha sare ee Qasaam.

“Waxaan leenahay Netanyahu, Maxamed Dayf hadda wuu ku maqlayaa, wuuna ku jeesjeesayaa hadalladaada beenta ah … Waxaan leenahay dhammaan sheegashada iyo hadallada warbaahinta laga sheegay waa been.” ayuu yiri

Arrintan ayaa timid kaddib markii Israa’iil ay baahisay in bartilmaameedku ahaa hoggaanka sare ee Qasaam, iyadoo war saaxafadeedka Xamaas lagu sheegay in sheegashada beenta ah lagu qarinayo xasuuqa ay geysatay Israa’iil ee ka dhacay aag ay horey ugu sheegeen ciidanka Israa’iil goob nabdoon oo ay dadku u barakaceen.

Duulaanka Israa’iil oo ka dhacay inta u dhaxaysa Al-Mawasi iyo Khan Yonis, waxaa lagu dilay 71 qof oo ay ku jiraan carruur iyo in ka badan 289 qof oo ku dhaawacantay.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo xiganaysa sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ay sheegtay inaysan jirin wax weerar ah oo lala beegsaday goob ay ku suganaayeen hoggaamiyayaasha sare ee kooxda, iyadoo warbixinta ay sheegtay in dhammaan dadka weerarka lagu dilay ay ahaayeen rayid ay ku jireen carruur iyo haween.