Heemaal News Network

Ex M/Trump Oo Laga Cararay Goob Uu ka Hadlayay Markii la Rasaaseeyay

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayaa lagala cararay goob uu taageerrayaashiisa kula hadlayay oo ku taal magaalada Butler ee gobolka Pennsylvania, kaddib markii la maqlay wax u muuqday rasaas, isagoo markiiba dhulka ku dhacay.

Ilaa hadda ma cadda sida ay wax u dhaceen, balse goobta Trump uu ka hadlayaya ayaa waxaa soo buux dhaafiyay ilaalada gaarka ah, kuwaaso markiiba goobta kala cararay. Dhiig ayaa laga arkayay wejiga Trump.

Dhacdadan ayaa ku soo aaday maalin mashqul ah oo Trump iyo Biden oo la filayo inay ku tartamaan doorashada November, ay ku jireen ololahooda doorashada.

Sawirka Trump oo gacantiisa lulaya, wajigiisana dhiig ka daadanayo, iyo calanka Maraykanka oo gadaashiisa ka muuqda: Waxay noqon doontaa astaanta ololaha Trump oo u horseedi karta inuu mar kale tago Aqalka Cad.

Trump waxa hubaal ah in uu guulo badan ka gaari doono dhacdadan.

Toddobaadkan dhowr qof oo gobollo kala duwan oo Mareykanka jooga oo aan waydiiyay cidda ay ku codeyn karaan Trump iyo Biden, waxay ii sheegeen Trump , sababo la xiriira inay dareemayaan xasillooni dari, dhab ahaantii waxa caawa dhacay ayaa tan sii xoojinaya, haddii uusan isbeddel ka imaan dimuquraadiga, si dhib yar Trump ayaa ku guuleysan kara doorashada, isagoo markan heli kara natiijo taariikhi ah.