Heemaal News Network

Dadkii fududeeyay Weerarkii Xabsiga Dhaxe oo la ciqaabayo

Maxaabiis horey uga tirsaneyd kooxda Al Shabaab ayaa shalay subax gudaha xabsiga dhaxe ee Xamar ka fuliyay weerar dhaliyay khasaaro badan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac , oo soo kala gaartay maxaabiista iyo askarta ilaalada xabsiga qaarkood.

Inta la xaqiijiyay weerarka waxaa ku dhintay dad gaaraya 8-qof oo ay ku jiraan raggii weerarka ka dambeeyay oo horey uga tirsanaa Al Shabaab, waxaana sidoo kale jira dad badan oo isugu jira maxaabiis iyo askar ku dhaawacantay weerarka.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay waxii ka dhacay xabsiga dhaxe ee Xamar, waxa uuna sheegay in la bilaabay baaritaanno ku aadan weerarkan iyo ciddii fududeysay, waxa uuna xusay in lala xisaabtamayo lana ciqaabayo dadkii dambi lagu helo.

“Waxaan aad uga xumahay wixii ka dhacay Xabsiga Dhexe oo ah arin aan la fileyn, halisteedana leh, waxan rajeynayaa madaxda Xabsiga iyo taliyayaasha in ay arintaas si degdeg ah madaxda ay khuseyso warbixin uga keenaan, talaabada noocaas ahna mar labaadna aysan soo laaban, ciddii khaladka lahayd oo dhacdadan masuulka ka ahayd in ay si uun qayb uga noqdaan in lala xisaabtami doono,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Weerarka ka dhacay gudaha xabsiga Dhaxe ee Xamar ayaa abuuray shaki ku aadan cidda hubka iyo qaraxyada bambaano u geysay kooxdii weerarka geesatay, mana shaacin taliska ciidanka asluubta iyo hay’adaha kale ee amniga in dad loo xiray fududeynta weerarka xabsiga dhaxe ka dhax dhacay.