Heemaal News Network

Hogaamiyaha SSC Oo Shir-guddoomiyey Kulanka Golaha Sare Ee Difaaca iyo Amniga.(Sawiro)

Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa kulan la qaatay Golaha sare ee Difaaca iyo Amniga SSC-Khaatumo.

Ugu horeyn, Hoggaamiyaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladaha difaac iyo amni ee deegannada SSC-Khaatumo ka dhagaystay Taliyayaasha Guud ee Talisyada Daraawiishta iyo Booliska iyo xubnaha kale ee guddiga.

Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyey shaqada qaran ee ay shacabkooda u hayaan ciidamada amniga iyo kuwa difaaca SSC-Khaatumo, oo dhaxanta, qorraxda, iyo roobkaba u taagan sidii shacabka SSC-Khaatumo nabad iyo amnig ugu noolanlahaayeen.

Hoggaamiyaha ayaa kula dardaarmay xubhana guddiga in ay laba jibbaaraan dedaalkooda ku aaddan sidii amniga iyo difaaca SSC-Khaatumo u noqon lahaayeen mdi markasta ay iskh hallayn karaan shacabku.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Caafimaadka, xubnaha Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Baarlamaanka SSC-Khaatumo, Taliyayaasha Guud ee Daraawiishta, Booliska iyo qaar kamida xubnaha Guddiga Difaaca.