Heemaal News Network

QM Oo War Xasaasi ah ka soo Saartay Dagaalkii Luuq

Hay’adda UNOCHA xafiiskeeda Soomaaliya ayaa baahiyay warbixin la xiriirta khasaaraha uu dhaliyay dagaal todobaadkii hore ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo dhexmaray maleeshiyo beeleedyo iska soo horjeeda.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dagaalku saameeyay dad ka badan boqol kun oo qof, waxana uu guryahooda ka barakiciyay dad gaaraya 42 kun oo qof.

Dagaalka waxa lagu dilay 4 qof oo rayida, waxana ku gubtay illaa 200 oo ganacsiyo.

Hay’addu waxay sheegtay in dadka qaxay, kaliya in aanay ka cararin rasaasta la is weydaarsanayay, balse ay jirtay beegsi toos ah oo lagu sameynayay haybtooda ama qabiilka ay u nasab sheegtaan dartiis.

Hay’addu waxay sheegtay in xero barakac oo ay ku jireen illaa 735 qoys la gubay, inta gubistaasi socotayna ay ku dhinteen labo dumara.

Dadka qaxay meelaha ay tageen waxa kamid ah deegaanka Yurkud oo qiyaastii 45km u jira degmada Luuq.