Heemaal News Network

Faah-faahinta Qarax Ismiidaamin ah Oo Caawa ka Gil-gilay Muqdisho (Sawirro)

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan khasaaraha ka dhashay qarax weyn oo caawa lala beegsaday maqaayad lagu magacaabo Top Coffee oo ku taalla agagaarka taalada daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Warar qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah oo uu fuliyey qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray, halka warar kalena ay tilmaamayaan in qaraxa loo adeegsaday gaari miineysan oo lagu dhuftay darbiga maqaayada oo gudaheeda ay xiligaas dhalinyaro badan ku daawanayeen ciyaarta finalka ah ee Spain iyo England.

Qaraxa ayey wararku sheegayaan iney ka badbaadeen Intii badnayd dhallinyaradii ciyaarta ku daawaneysay caawa Maqaayadda Top Coffee, marka laga reebo qaar aan badnayn oo ay dhaawacyo soo gaareen sababo la xiriira barxadda ay ciyaarta ku daawanayeen oo xoogaa ka fogeyd Qeybta saaran laamiga ee maqaayadda oo qaraxu ka dhacay.

Qaraxa ayaa sababay dab qabsaday qeybo ka mid ah maqaayada iyo gaadiidkii wadada marayey kuwaasoo la arkayey iyagoo holcaya.

Khasaaraha ugu badan waxaa uu ka dhacay qeybta hore maqaayadda oo Coffee Shop ah, iyadoo dad ay shaqaalihii qaarkood ku jiraan ay halkaas ay ku naf waayeen, waxaa sidoo kale khasaaro isagu jirta dhimasho iyo dhaawac uu gaaray dadkii marayay laamiga ee isugu jiray kuwa lugeynayay iyo kuwa saaranaa gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Tirada rasmiga ah ah ee dhimashada lama oga weli balse tiro 10 qof ka badan ayaa la xaqiijiyey iney ku naf waayeen, halka dhaawacuna intaas ka badan yahay.

Haweeney iyo ilmo yar oo la socday ayaa ka mid ahaa dadka ku naf waayey qaraxa, kuwaasoo la socday mooto bajaaj wadada maraysay oo qaraxu halkaas ku qabsaday sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

Laamaha amaanka DF ayaan weli ka hadlin qaraxan sixdoo kale ma jirto cid sheegatay illaa hadda iney ka dambeysay.

Maqaayadan waa mid shacabka caadiga ah ay tagaan masuuliyiin dowladeenda aan looga baran, sidaas awgeed waxaa la isweydiinayaa sababta loo beegsaday oo illaa hadda si cad aan loo ogeyn.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan xaaladeedu daganeyd ka dib markii ay aad hoos ugu dhaceen qaraxyadii waaweynaa ee ka dhici jiray oo khasaare badan geysan jiray dowladuna waxay sheegtay dedaal ay muujiyeen ciidamada amaanka inuu sabab u yahay amniga soo kordhay.