Heemaal News Network

Madaxda Itoobiya Iyo Ruushka Oo ka Wada-hadlay Arimo Badan

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Ruushka, Mikhail Bogdanove ayaa maanta booqasho ku tagay Addis Ababa, halkaa oo uu kula kulmay Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya, Taye Atske-Selassie

Masuuliyiintan ayaa la sheegay inay ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin nabadda, amniga qaranka, iskaashiga dhanka isdhaafsiga teknolojiyadda iyo kobcinta awoodda marka la joogo fagaarayaasha caalamiga ah, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay baahisay Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya.