Heemaal News Network

Israa’iil Oo Duqayn ku Dishay Dhaqtarkii Ugu Sareeyay Qaliinada Gasa.

Israa’iil waxay duqeyn ku dishay Dr Hassan Hamdan oo ah dhakhtarka ugu sarreeyay ee qallinada Qasa, taa oo ka dhigaysa in kaliya hal dhakhtar oo awood u leh fulinta qallinada guud inuu ku haray Qasa, xaaladda oo ay ka dhalan karto tiro badan oo dhaawacyo ah inay u dhiman karaan inaysan heli doonin dhakhaatiir awood u leh qallinada gaarka ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Allaha u naxariisto Dr Hassan, waxaa duqeynta uu ku geeriyooday , sidoo kale lagu dilay inta badan qoyskiisa oo ay ku jiraan xaaskiisa, wiil uu dhalay, laba gabdhood, gabar uu soddog u ahaa, wiil uu soddog u ahaa, lix uu awoowe u ahaa, iyo qof kale, waxaana lagu duqeeyay dhisme ku yaalay aag ay Israa’iil ku sheegtay goob nabdoon.