Heemaal News Network

Madaxwayne Ruto Oo Magacaabay Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa magacaabay Gole Wasiirro oo ka kooban kow iyo toban, isaga oo soo celiyey lix kamid ah wasiirradiisii hore oo uu ku jiro Wasiirka Soomaaliga ah ee Aadan Barre Ducaale oo mar kale oo igmaday Gaashaandhigga.

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in uu wali wado la tashiyo sababo la xiriira kala qeybsanaanta siyaasadeed ka hor inta uusan soo dhisin dowlad sal ballaaran.

Waxaa xusid mudan in dadka dib loo magacaabay ay ka mid yihiin Kithure Kindiki oo horay u ahaa wasiirka arrimaha gudaha, Waxaa jiray baaqyo loogu baaqayay inuu iscasilo oo ku aaddan sida uu u maareeyay mudaaharaadyadii cashuuraha lagaga soo horjeeday ee toddobaadyadii la soo dhaafay ay ku dhinteen in ka badan 40 qof.

Booliska ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay afduubteen oo ay si aan sharci ahayn u xireen dadka mudaaharaadayay.

Horaantii bishan ayaa madaxweyne Ruto uu la kulmay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, wuxuuna ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu sameeyo guddi wada-hadal oo ka kooban 150 xubnood si ay gacan uga geystaan ​​xallinta xiisadda taagan.

Balse dhalinyarada Kenyanka ah ee soo abaabulay banaanbaxan ayaa ku gacan seyray qorshihiisa, waxayna ku adkeysteen inuu kala diro golaha Wasiirada, islamarkaana uu tallaabo ka qaado mas’uuliyiinta musuq maasuqa sameeyay.

Liiska Wasiirada Cusub Iyo Wasaarada loo kala Magacaabay ayaa sidan u dhigan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha: Kithure Kindiki

Wasiirka Difaaca : Aadan Bare Ducaale

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Jidadka : Davis Chirchir

Wasiirka Isbedelka Cimilada iyo Gaadiidka : Soipan Tuya

Wasiirka Biyaha iyo Waraabka : Eric Muga

Wasiirka Beeraha iyo Xoolaha: Andrew Muhia Karanja

Wasiirka Hawlaha Guud : Alice Wahome

Wasiirka Isgaadhsiinta : Dr Margaret Ndungu

Wasiirka Caafimaadka : Debra Mulongo Barasa

Wasiirka Waxbarashada : Julius Migosi