Heemaal News Network

Somaliland Oo Baaq ka dhan ah DFS u Dirtay Beesha Caalamka

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta maamulka Somaliland , ayaa looga hadlay hubkii dhawaan maleeshiyaad deegaanka ah kula wareegeen deegaan duleedka ka ah degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Somaliland qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in hubka lasoo galiyay gudaha Soomaaliya gaar ahaan gobolada Dhaxe gacanta u galeen maleeshiyaad deegaanka, ah waxa ayna xuseen in hubkaasi uu kordhinayo colaadaha qabiilka ee halkaasi ka jira.

Warka kasoo baxay maamulka Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay in hubka sharcidarada Soomaaliya ku galayo uu gacanta u galayo maleeshiyaadka qabiiladda, waxa ay sidoo kale sheegeen in hubkaasi sidoo kale gacanta u galayo kooxaha xagjirka ah.

”Waxaa dhacda in si badheedh ah loo siiyo hubka kooxaha xagjirka ah, iyadoo ay jirtaan Hay’ado dawladeed oo si dhow ula shaqeeya mooxahaas sida lagu caddeeyay warbixino badan oo caalami ah.Sidaas darteed, hubka u gacan galay maleeshiyaadka iyo reeruhu wuxuu noqday mid ku faafay gobollada dhexe iyo koonfurta fog ee Soomaaliya. Waxa jira in hubkaas illaa 11 deegaan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Xukuumadad Somaliland ayaa ugu baaqday beesha caalamka iyo dawladaha jaarka la ah Soomaaliya in ay si weyn uga feejignaadaan arrinta hubka gudaha dalka la galiyay oo ay tilmaameen in halis ku ah xasilloonida mandaqada Geeska Afrika, taasi oo dhaawacaysa nabadgelyada.