Heemaal News Network

Turkiga Oo Bilaabay Inay Ciidamadooda kusoo Daabulaan Xeebaha Somaliya

Dowladda Turkiga ayaa guda-gashay in ay ciidamadeeda ku soo daabusho xeebaha Soomaaliya, iyada oo fulineysa heshiiskii difaaca badda ee ay la saxiixatay DFS.

Madaxweyne Erdogan ayaana maanta oo jimce ahayd Baarlamanka dalkiisa horgeeyey meelmarinta heshiiska Badda ee Ankara iyo Muqdisho, sida ay ku warramayso warbaahinta Turkiga.

Tani waxa ay imanaysaa xilli ay Itoobiya aysan ka rejo dhigin Is-afgaradkii ay la gashay Somaliland oo aan weli noqon heshiis rasmi ah.

Ka sokow in Turkigu uu isu diyaariyey difaaca badda Soomaalida, wuxuu dhinaca kale bilaabay wada-hadalsiinta Muqdisho iyo Addis Ababa oo dhawaan uu ku kulmiyey Ankara, mar kalena ballamay bisha September.