Heemaal News Network

Tiro Xildhibaano ah oo gudbiyey Mooshin ka dhan ah..

Kulanka mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo ahaa kalfadhiga shanaad kulankiisa shanaad waxaa shir guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 145-Xildhibaan, waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya oo uu soo diyaariyay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, waxaana Xildhibaanadda ay qodob qodob uga doodeen hindise sharciyeedkan.

Dhinaca kale waxaa jiray Xildhibaano ka tirsan golaha oo guddoonka golaha u gudbiyay mooshin ama soo jeedin ku saabsan Hubka sharci darada ah, dagaalada sokeeye iyo dhowrista xasaanada Xildhibaanada, kaasoo ay saxiixeen 18-Xildhibaan.

Sidoo kale Xildhibaanadda ayaa waxaa loo qeybiyay warbixinta akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka Soomaaliyeed.