Heemaal News Network

Israa’ll oo weerar ku qaaday Yeman iyo Jawaabta Xuudityiinta.

Israa’ll ayaa duqeymo cirka ku qaaday xarumaha keydka shidaalka ee Xudeydah, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Duqeymaha Israa’iil ay ka geysatay magaalada Xudeydah ee dalka Yemen , waxaa ka qeybqaatay 20 diyaaradood oo ay wehelisay diyaarad u sidday shidaal,iyadoo 20-ka diyaaradood ay bambooyin ku riddeen bartilmaameedyo ku yaalla Xudeydah oo ay ku jiraan ; dekedda, garoonka diyaaradaha iyo xarun korontada siisa qeybo ka mid ah magaalada.

Israa’ll ayaa kaga jawaabaysay weerar drone oo Xuutiyiintu ku qaaday Tel Aviv. Taas oo banaanka keentay fashilka difaaca ay Israa’ll ku faanaysay.

Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa horey uga digay inay Israa’iil iska horimaad toos ah la gasho Xuutiyiinta oo tan iyo November ka mamnuucay badda cas maraakiibta ganacsiga ee ku socda dekedda Israa’iil.

Duqeynta ay diyaaradaha Israa’iil ka geystaan goobaha Xuutiyiinta ee gudaha Yemen, kama duwana duqeymaha Mareykanka iyo Ingiriiska, balse waxay cadeyn u noqoneysaa awooda Xuutiyiinta, maaddama weerar toos ah uu uga imaanayo Israa’iil oo aan adeegsan wakiillo kale.

Dhanka kale Xuutiyiinta ayaa digniin u diray wadamada carabta iyagoo sheegay in waddan kasta oo Carab ah oo isku daya inay joojiyaan weerarradooda ay ku bartilmaameed sanayaan Israa’ll ay ula dhaqmi doonaan sida Israa’ll oo kale.