Heemaal News Network

Wasiir Fiqi iyo Cali Balcad oo Qatar iska daba aaday iyo kala shaki jira

Waxaa bannaanka usoo baxaya khilaafka iyo kala shaki u dhaxeeya Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradaasi Cali Balcad, kuwaa oo uu sii xumaanayay wada shaqeynta ka dhaxeysa.

Shir ay soo qaban qaabiyeen dhallinyaro qurbojoog ah oo saaxiib dhaw la ah wasiir Axmed Fiqi ayaa maanta ka furmay magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar, shirkan oon wax micno badan ku fadhin waxaa lagu casuumay Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo masuuliyiin kale oo dowladda katirsan.

Sida aan xogta ku helnay shirkan uu kaalin weyb ku leeyahay wasiir Axmed Fiqi ayaa xubnaha lagu casuumay waxaa laga reebay wasiiru dowlaha wasaarrada Arrimaha Dibadda Cali Balcad, hasa ahaatee waxaa la sheegay in Cali Balcad diyaard kale raacay uuna iskiis u tagay madasha shirka.

Wasiir Cali Balcad oo awood badan ka heesta xafiiska Madaxweynaha ayaa meel walbo uga daba taga Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya si uu ula socdo dhaq dhaqaaqiisa, halka wasiir Axmed Fiqi isna mar walbo isku dayo in uu ka dhuunto xogta shaqadiisana uusan ogaan Cali Balcad.

Dad badan ayaasa isweediinaya waxa loogu kala cararayo shir aan micno badan laheyn oo dhallinyaro qurbojoog ah ku sheekeesanayaan , waxaa sidoo kale la isweediinayaa waxa keeni kara in shirkaasi wasiir iyo wasiiru dowlo hal meel kawada tirsan isaga daba tagaan.

Waxaa la rumeysan yahay in wasiir Axmed Fiqi iyo Cali Balcad oon xiriir dhaw oo wada shaqeyn laheyn ay iska daba shaqeenayaan, waxaana horey loo xasuustaa in Cali Balcad si iskiis ah u tagay shirkii Soomaaliya iyo Itoobiya u dhaxeeyay ee ka dhacay Turkiga, kaa oo markii hore loo diray wasiir Axmed Fiqi.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaan awood badan u laheyn in masuuliyiinta xukuumadda uu shaqooyinkooda u kala maareeyo, waxaana xukuumadda awood xad-dhaaf ah ku leh wasiiro , wasiiru dowlayaal ku xiran xafiiska Madaxweynaha ,kuwaa oo aaminsan in aan lala hadli karin.