Heemaal News Network

Dawlada Oo Waji cusub u Yeeshay Hubkii lagu Boobay Caabudwaaq.

War-qoraal ah oo kasoo baxay Wasaarrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay hubkii dhawaan lasoo galiyay gudaha Soomaaliya laguna boobay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, ay si sharcidarro ah dalka kusoo galisay dowladda Itoobiya.

Wasaarrada Arrimaha Dibadda qoraalka ay soo saartay ayaa lagu sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu hadda marayo meeshii ugu xumeyd, waxa ayba wasaaradu ku eedeesay dowladda Itoobiya in ay ka shaqeeneyso xasillooni darada Soomaaliya.

Warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaana loogu baaqay dowladda Itoobiya in ay joojiso faragalinta ay ku heyso arrimaha Soomaaliya, sidoo kale joojiso hubka sharcidarada ah ay soo galineyso gudaha Soomaaliya.

Hubka lagu boobay degmada Caabudwaaq duleedkeeda ayaa horey loo sheegay in ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed, hasa ahaatee warkan cusub ee kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waji cusub u yeelaya cidda iska laheyd hubka la boobay.