Heemaal News Network

Dil Mindi loo Adeegsaday Oo ka Dhacay Buurta Awr-dil Ee Duleedka Borama

Allaha u naxariistee waxa maanta duleedka magaalada Borama lagu dilay Marxuum Cabdilaahi Maxamed Maal oo dahab ka qodanayey buuraha xaga bari kaga beegan magaalada Borama.

Dilkan oo ka dhacay Buurta Owr-di ee bariga magaalada Borama ayaa la sheegay in Cabdicasiis Aadan Ducaale uu mindi ku Dilay marxuum Cabdilaahi Maxamed Maal oo ay Buurta Owr-dil ee duleedka Borama, ka wada qodanayeen macdanta dahabka ah, kuwaasoo la sheegay inay isku khilaafeen mulkiyada gododka dahabka ee laga helay buurtaasi Awr-dil, sida ay dadka deegaankaasi u xaqiijiyeen Bilibili Media.

Ninka dilka geystay ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday, Mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay maamulka Gobolka Awdal iyo laamaha Amniga oo ku saabsan dilkan.