Heemaal News Network

Xuutiyiinta Oo Gantaal ku Dhuftay Markab Berbera ku Rogay Shixnad laga Leeyahay Itoobiya.

Xuutiyiinta Yemen ayaa Gantaal ku dhuftay Markab ka dhaqaaqay Dekedda Berbera kaas oo rogay shixnad laga leeyahay Itoobiya.

Markabka ayaa ku socdaalayay Calanka waddanka Singapore, balse la sheegay in uu leeyahay Ganacsade Israa,iili ah, Sida ay ku doodeen Xuutiyiinta oo sheegtay Masuuliyadda weerarka Markabka.

Waa kuma Markabku, Xagee se lagu Beegsaday?

Markabka oo lagu Magcaabo Lobivia, dalal badana u rarnaa ayaa shixnad ganacsi oo u socotay Ethiopia, waxaana uu shixnaddaasi todobaadkii hore ku rogay dekedda Berbera oo uu ka dhaqaaqay dabayaaqada usbuucii hore, hase ahaatee markii uu gaadhay Biyaha caalamiga ah ee gacanka cadmeed ayay beegsadeen Xuutiyiintu.

MAXAA GAADHAY MARKABKA?

Gantaalka lagu dhuftay Markabka Lobivia, ayaa haleela mid ka mid ah Koontiinarrada Saarnaa Markabka, dab ayaa ka kacay, sidaasi darteed Markabku wuxuu kusoo laabtay dekedda Berbera, halkaasi oo ay dabka ka damiyeen hawl-wadeenada Badbaadada ee dekedda Berbera.

Markabka ayaa wali ku xidhan Dekedda Berbera, waxaana uu sugayaa sida la sheegay kaalmo amni oo ku maro Badda cas.

MAXAA LAGA YIDHI WEERARKA?

Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa gaadhay shalay Dekedda Berbera kuwaasi oo aan faahfaahin laga bixin xaaladda Socdaalkooda.

Dawladda Somaliland ilaa iyo Hadda kamay Hadlin Dhacdadaasi weerarka ah ee xutiyiinta la beegsadeen markab ka dhaqaaqay Berbera.

Dawladda Singapore, waxay xaqiijisay in la weeraray Markabka Lobivia, balse shaqaalaha Markabka aanay waxyeelo kasoo gaadhin waxyeelada Markabka soo gaadhayna lagula Tacaalay dekedda Berbera oo uu dib ugu Noqday.