Heemaal News Network

Shaqaalaha iyo Saraakiisha Dowladda Oo Yurub kusii Qulqulaya !

Qaar badan oo kamid ah shaqaalaha iyo saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa safaf dhaadheer ugu jira sidii ay u tagi lahaayeen qaarada Yurub, waxa ayna dadkan badankood niyadjab kala kulmeen hab-maamulka dowladda Madxaweyne Xasan Sheekh.

Safaaradda dowladda Talyaaniga ku leedahay magaalada Muqdisho waxaa buux dhaafiyay shaqaale dowladeed iyo saraakiil wata baasaboorada Serviska iyo Diblumaasiga, kuwaa oo doonaya in ay helaan viisaha Shangahaay loo yaqaan si ay ugu baxaan.

Sida aan xogta ku heleyno safaaradda Talyaaniga ayaa maalin kasta qaabisha dad aad u tiro badan oo u badan shaqaale dowladeed iyo saraakiil, waxa ayna dadkan codsanayaan sidii ay u heli lahaayeen viiso ay ku tagaan dalka Talyaaniga, si ay uga sii gudbaan dalal kale oo Yurub katirsan.

Qaar kamid ah shaqaalaha iyo saraakiiishii horey loo siiyay viisaha Shangahai ayaan dalka dib ugu soo laaban, waxa ayna dadkaasi horey usii galeen iskana dhiibeen qaar kamid ah dalalka Yurub, iyaga oo ka niyadjabsan dowladda hadda dalka ka jirta iyo sida ay xaalkeedu yahay.

Waxaa sidoo kale jira qaar kale oo badan oo iyana dalka dib ugu soo laabtay kuwaa oo kalsooni ku raba soo laabashadooda, si mar kale dib ugu baxaan viisaha ayna ugu sii goostaan dalal kuyaalla Yurub, marka xilalka ama shaqooyin ay hadda heestaan ay waayaan.

Saraakiisha safaaradda dalka Talyaaniga ka howlgala ayaa aad uga yaaban dadkan tirada badan ee safka ugu jira sidii ay u heli lahaayeen viisaha, waxaana laga cabsi qabaa in gabi ahaan safaarada joojiso in baasaboorada Serviska iyo diblumaasiga ku bixiyaan viisaha dalxiiska.

Dowladda Turkiga ayaa dhawaan joojisay in baasaboorada shaqaalaha dowladda iyo kan diblumaasiga ay ku bixiso viiso, kaddib markii ay iyana bateen dadka soo dalbanaya ee taga dalkaasi, kuwaa oo qaarkood ay horey usii tahriibeen.

Dhallinayro badan oo saraakiil ciidan ah iyo kuwa dowladda u shaqeeya ayaa ka niyadjabsan hab-maamulka dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoona ka cabsi qaba sida ay hadda wax ku socdaan in ay waayaan mushaarkooda sidoo kale noloshooda ay halis gasho.