Heemaal News Network

Beelihii ku Dagaalay Luuq Oo Heshiis Gaaray (Sawirro)

Wafdigii Nabadaynta u joogay degmada Luuq ayaa ku guuleystay wajiga labaad oo ahaa kulan la iskugu yeeray Odayaasha dhaqanka Beelihii ay shaqaaqadu ku dhexmartay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Kulankan oo ahaa bar bilowga nabadaynta wajiga labaad ee Beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay ayaa waxaa kasooqayb galay Madaxwayne kuxigeenka koowaad ee Dowladda Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan, Wasiiro katirsan XFS Xildhibaano ka kala tirsan BJFS iyo Golaha Wakiilada Jubbaland, maamulka degmada Luuq, waxgaradka degmada, Odayaasha dhaqanka Beelihii ay shaqaaqadu dhex martay.

Ugu horeyn Ugaaska Beesha Macalinwayne Ugaas Cali Iimaan Cabdi iyo Salaadiinta Beesha ayaa sabeen iyo raali gelin kabixiyay wixii dhacay 5-tii bishan aynu kujirno.

Dhinaca kale Malaaqa guud ee Beesha Gabaawayn Malaaq Axmed Aadan Laamoow iyo Odayaasha dhaqanka Beesha ayaa aqbalay sabeen xirka iyo raali gelinta iyagoona sheegay inay diyaar u yihiin kashaqaynta nabadda.

Ugu danbayntii Madaxwayne kuxigeenka koowaad ee Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan, Wasiiru dowlada Wasaradda Deegaanka iyo Isbedelka cimilada ayaa odayaasha dhaqanka labada dhinac ku adkeeyay in la xoojiyo nabadgalyada iyo xasiloonida.