Heemaal News Network

Somaliland Oo si Adag Uga soo Hor-timid In Ciidamada Turkiga ka Hawl-galaan Xeebaheeda

Dawladda Somaliland ayaa si adag uga soo hor jeestay Ciiddamada Turkiga ee ku soo wajahan Xeebaha Soomaaliya kuwaas oo la filayo in ay dhowaan soo gaadhaan Xeebaha Somaliya iyo Somaliland.

Qoraal ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa lagu yiri, “Xukuumadda Somaliland waxa ay si cad u diidaysaa in “Ciidamada Badda ee Turkiga la geeyo Aagga Badda Somaliland”.

Somaliland ayaa ka digtay in ay Maraakiibta dagaalka ee Turkigu ay soo galaan Xebeeha Somaliland iyada oo sheegtay in ay tallaabadaas tahay mid ka soo horjeedda xeerarka Caalamiga ah, waxayna lagama maarmaan u yihiin madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland”.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli dowladda Soomaaliya ay horraan heshiis la gashay dhiggeeda Turkiga kaas oo sheegayay in Turkigu uu ilaalinayo xeebaha Soomaaliya.